Lionel Messi oo ogolaaday inuu dhimo kala bar Mushaharkiisa, shan sano oo uu saxiixayo & Xilliga ay Barcelona ku dhawaaqi doonto

0
13

Baladweyne (Radio Beerlula)-. Lionel Messi ayaa aqbalay inuu dhimo 50% mushaharkiisa si uu qalinka ugu duugo heshiiska cusub ee ay u soo bandhigtay Barcelona, sida uu warinayo Warsidaha Diario Sport.

Barça iyo Leo Messi ayaa isku raacay heshiis cusbooneysiin loo sameeyo xiddigan reer Argentina, waxaana heshiiska ay labada dhinac isku waafaqeen ku jira in uu laacibku saxiixo qandaraas shan sanadood ah.

Todobaadyadii dhowaa ayaa waxaa jiray hadal hayn ku aaddan suuro-galimada uu xiddigan ugu biiri karo kooxda Inter Miami ee ka dheesha horyaalka MLS-ka Mareykanka, waxaana ugu dambeyn labada dhinac ay isla garteen inay sii dheereeyaan wada joogistooda.

Leo Messi ayaa haatan u arka inuu awood iyo tamar u hayo inuu sii xirnaado maaliyadda Barcelona isagoo heer sare ku jira shan sano oo hor leh, waana wax ay ka mideysan yihiin isaga iyo kooxda.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in Messi uu aqbalay inuu kala bar mushaharkiisa dhimo, waxaana uu aqbalay shuruudaha kooxda Blaugrana, maadaama uu fahamsan yahay xaaladda dhaqaale ee kooxda inay tahay mid aad u adag sidoo kale ay waajib ku tahay inuu xiddigaha kale u noqdo tusaalaha koowaad.

Marka laga hadlo dhaqaalaha, ma ahayn waxa ay isla garan waayeen Barca iyo Messi, marka laga reebo arrimaha canshuurta, laakiin waxa uu xiddiga reer Argentina u dagaalamayey in loo dhiso koox tartami karta, taasoo hadda u muuqata in laga qanciyey.

Lama rajaynayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqi doono heshiiskan, maadaama ay weli jiraan arrimo ku cakiran Barcelona oo laga xusi karo miisaaniyadda mushaharaadka xiddigaha, waxaana haatan la warinayaa in dhammaadka bishan July lagu dhawaaqi doono qandaraas kordhinta Messi.

Wargeyska ka soo baxa Spain waxa uu qormadiisa intaa ku sii daray in heshiiska cusub ee Lionel Messi uu u saxiixi doono Barcelona lagu burburin doono adduun dhan 350 Milyan oo Euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here