Midowga Yurub oo shaaciyay qorshe wax looga qabanayo isbadelka cimillada.

0
53

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxa isbadalka cimillada ee Midowga Yurub, Frans Timmermans, ayaa  ku dhawaaqay qorshe lagu jarayo qiiqa hawada lagu sii daayo si bini’aadamku uu u helo fursad uu kula dagaalamo isbadelka cimillada.

Qorshaha Midowga Yurub ayaa ah in la soo afjaro iibka gawaarida naaftada ku shaqeeya marka la gaaro sannadka  2035-ka.

Midowga Yurub ayaa markii ugu horraysay ku dhawaaqay qorshe lagu canshuurayo shidaalka ay isticmaalaan maraakiibta iyo diyaaradaha, waxaana uu canshuur gaar ah ku soo rogay carbon-ka lagu isticmaalo shamiitada, birta iyo aluminium-ka ee dalalka ay soo dhoofsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here