Saraakiil Iranian ah oo isku dayey inay afduubtaan gabar weriye ah oo degan New York.

0
38

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in ay dacwad ku oogtay afar muwaadin oo u dhashay Iiran, kuwaasi oo ku eedeysan in ay maleegayeen fal afduub ah oo lagula kaco wariye ku sugan magaalada New York.

Suxufiyad Mareykan ah oo lagu magacaabo Masih Alinejad, oo asal ahaan ka soo jeeda Iran, aadna u dhaliisha xukuumadda Tehran, ayaa u muuqatay in ay barteeda Twitter-ka ku xaqiijinayso in ay iyadu tahay qofka shirqoolka la sheegay lagu bartilmaameedsanayay.

Afarta nin ee lagu soo oogay dacwadda ayaa ah sarkaal ka tirsan sirdoonka Iran iyo saddex qof oo ka hoos shaqeeya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda Mareykanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhammaan eedeysanayaashu ay ku nool yihiin Iran.
Qof shanaad oo ku sugan California ayaa lagu eedeeyay in uu maalgelinayay shirqoolka raggan lagu eedeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here