Warbixin ku saabsan xuska maalinta caalamiga ee xirfaddaha dhalinyarada Adduunka

0
38

Baladweyne(Radio Beerlula)- Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa shirkiisii  Guud ee bishii Nofeembar  sannadkii 2014, ku dhawaaqday  in sannad kasta 15 Luulyo dunida looga dabal dego maalinta Xirfadaha Dhallinyarada Adduunka, waxayna  Maalintan qayb ka tahay maalmaha aqoonsiga adduunka ee kor u qaadista xirfadaha.

Dhalinyaro badan oo ku nool dunida ayaa inta lagu guda jiray cudurka karoona feyris waxaa soo food saaray shaqo la’aan baahsan taasoo ay ugu wacan tahay xalaadda adag ee uu keenay cudurkan.

UNESCO ayaa sheegtay in intii u dhaxeysay 2020-ka Marso ilaa May 2021-ka  la xiray iskuullada iyadoo guud ahaan dalka la xiray 157 iskuul.

Hay’adda shaqaalaha Adduunka ee ILO ayaa sheegtay in  adduunka oo dhan, shaqaalaysiinta dhalinyaradu ay hoos u dhacday 8.7 boqolkiiba sanadkii 2020, marka la barbardhigo 3.7 boqolkiiba dadka qaangaarka ah, iyadoo hoos u dhacan laga dareemay  wadamada dakhligoodu dhexdhexaadka yahay.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here