Man United oo ku dhow inay lasoo saxiixato laba xiddig ka tirsan kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid

0
45

Baladweyne(Radio Beerlula)-Maamulka kooxda Manchester United ayaa si xawli ah uga shaqeynaya sidii ay u taageeri lahaayeen tababare Ole Gunnar Solskjær, si ay ugu diyaar garoobaan caqabadaha xilli ciyaareedka cusub, ha ahaadeen heerka Horyaalka Premier League, iyo tartamada gudaha, ama Champions League.

Sida uu daabacay wargeyska “The Sun” ee dalka England Manchester United ayaa ku dhow inay dhameystirto labo heshiis si ay u xoojiso difaaceeda, kan hore wuxuu noqon doonaa Raphael Varane oo Real Madrid ah, kan labaadna wuxuu noqon doonaa daafaca buuxa ee reer England Kieran Trippier oo ka tirsan Atlético Madrid.

Wararka ayaa waxay xaqiijinayaan in la dhameystiray labadan heshiis, waxaana la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo dhamaadka Isbuuca soo socda, sida uu wargeyska xaqiijiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here