Booliska Kenya oo qabtay nin lacagaha ka dhici jiray haweenka howlgabka kadib marka uu jaceyl ku abuuro.

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)- Taliska ciidamada dambi baadhista ee Kenya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin “ku takhasusay” dhaca haweenka howlgabka ah ee dowladda ka hela lacagta, gaar ahaan kuwa kaligood ah ee u nugul waxyeellada.

Wycliffe Amakobe Omunga, ayaa la sheegay inuu si gaar ah u bartilmaameedsan jiray dumarka iskaabulada ah ee sugaya lacagta howlgabnimada.
Xeeladda uu adeegsan jiray ayaa ahayd inuu jacayl ku abuuro isagoo siinaya waxyaabo ay jecel yihiin, una ballan qaado inuu nolosha la wadaagi doono marka ay howlgabka noqdaan.

Marka uu soo xero galiyo kaddib, haweenka uu khiyaanay wuxuu u sheegaa inuu lacagtooda ugu abuurayo ganacsi, isagoo markaasna la baxsada guud ahaan lacagtii u keydsanayd.

Marka uu sidaas sameeyo waxaa bannaanka kusoo dhaca dumarkii oo qalbi jabsan hantidoodii oo idilna sidaas ku waayay.

Mid ka mid ah dumarka dhibbaneyaasha ah ayuu ninkan ka qaatay lacagtii ay howlgabnimada ku heshay oo tiradeedu ahayd Sh780,050.
Haweeneydaas wuxuu ku khiyaanay jacayl been ah oo uu ku abuuray, kaddibna wuxuu ka dhaadhiciyay inuu u sameeyo warshad biyaha daweysan soo saarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here