Memphis Depay oo ka degay Magaalada Barcelona si uu u dhammaystiro ku biiristiisa Kooxda Barca

0
39

Baladweyne (Radio Beerlula)-Memphis Depay ayaa ka deggay Magaalada Barcelona ee dalka Spain si uu u dhammaystiro ku biiristiisa Naadiga reer Spain ee Barca.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah horay ugu shaacisay inay la  saxiixatay weeeraryahankii naadiga Lyon ee Memphis Depay oo ay beeca xorta ah ku soo qaateen.

Qandaraaska Memphis Depay ee kooxda Lyon ayaa dhacayay dhammaadka bishii hore, taasoo ay raacday inuu qarankiisa kala qeyb galay koobka qarammada Yurub isla markaana uu fasax kale sii galay.

Maanta ayuu soo gaaray Magaalada Barcelona waana la soo bandhigi doonaa isagoo heshiis labo sanadood ah oo ku eg bisha June ee 2023-ka uu qalinka ku duugi doono Memphis Depay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here