Muxuu tababare Solskjær ka yiri wararka ku saabsab in Raphaël Varane uu ku biirayo Manchester United?

0
23

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha reer Norway iyo kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær wararka ay saxaafada buunbuunisay ee ku saabsan in Red Devils ay dooneyso saxiixa daafaca reer France iyo naadiga Real Madrid ee Raphaël Varane.

Manchester United ayeey wararku sheegayaan inay ku sii dhawaaneyso in Raphaël Varane ay ka soo qaadato kooxda Real Madrid, kaddib markii ay laacibka si shaqsi ah ula heshiisay, iyada oo wadahadalada ay la galeen Real uu galay marxalad aad u muhiim ah, waxaana la filayaa in heshiis la gaaro saacadaha soo socda, marka loo fiiriyo rabitaanka Varane ee ah inuu ka tago garoonka Santiago Bernabéu.

Haddaba tababare Ole Gunnar Solskjær oo ka soo muuqday shir jaraa’id ayaa wuxuu ka jawaabay su’aal ku saabsan heshiiska Raphaël Varane, wuxuuna isaga oo qoslaayo yiri:

“Kama hadlo ciyaartoyda ka baxsan Manchester United, kaliya waxaan ka hadlaa iyaga marka aan la soo saxiixano.”

“Wali waxaan ka shaqeyneynaa heshiisyo waqtigan, waxaan dooneynaa inaan helno liis aad u xoog badan muddada soo socota.”

“Waxaan rabnaa inaan la tartano oo aan la dagaalano cid kasta oo naga soo horjeedda, waxaan dooneynaa inaan horumar sameyno in ka badan xilli ciyaareedkii hore.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here