In ka badan 4 malyan oo ruux oo dalka Hindiya ugu geeriyootay cudurka karoona feyris.

0
39

Baladweyne (Radio Beerlula)-Daraasad cusub ayaa sheegaysa in geerida xiriirka la leh xanuunka koroonaha ee dalka Hindiya ay 10 goor ka sarrayso tirooyinkii rasmiga ahaa ee dhigayey inay tahay 450 kun oo ruux.

Xarun Maraykanka ku taalla oo la yiraahdo centre for global development ayaa qiyaas ka soo saartay tirada dheeraadka ah ee dadka dhintay intii uu cudurku jiray, ayadoo la eegayo inta qof ee dhintay halkii laga eegi lahaa sida caadiga ah tirada la filayo.

Baarayaasha daraasaddan ayaa sheegay in tani ay tahay masiibadii ugu xumayd ee bani’aadminimo ee soo martay Ind ia tan iyo markii ay gobannimada qaadatay.

In kasta oo ay adag tahay in la sheego tirada dhimashooyinkaas uu sababay Covid-19, haddana waxay cabbir u yihiin guud ahaan saamaynta cudurkan, waxaa sidoo kale laga baqayaa in kiisaska dhimashada ay ka badan doonan kuwii sanadkii la soo dhaafay.
Dalka Hindiya ayaa wuxuu ka mid yahay waddamada ugu dhaqaalaha yar dunida ee uu sida weyn u saameeyay cudurka safmarka ee Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here