Turkiga oo gaashanka u daruuray go’aan lagu mamnuuci karo xijaabka oo ka soo baxay midowga Yurub.

0
57

Baladweyne (Radio Beerlula)-Turkiga ayaa dhaleeceeyay xukun ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa Midowga Yurub oo oggolaatay mamnuucida xijaabka iyada oo la eegayo daruufo gaar ah, wuxuuna arrintaas Turkiga ku tilmaamay mid ah “xadgudub cad oo ka dhan ah xorriyadaha diinta.

Xukuumadda Ankara ayaa intaa ku dartay in tallaabadaas ay sii xoojineyso fekerka khaldan ee laga aaminsan yahay haweenka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub.

Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub (CJEU) ee fadhigeedu yahay Luxembourg ayaa Khamiistii xukuntay in shirkadaha ka dhisan dalalka ururka ay ka mamnuuci karaan shaqaalaha inay xirtaan xijaab, haddii ay doonaan si loo muujiyo in ay dadka shaqaalaha ah ay wada siman yihiin.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay xukunkan inuu astaan u yahay naceybka Islaamku sii kordhayo xilli ay sheegtay in haweenka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub ay la kulmayaan takoor sii kordheysa oo ku saabsan caqiidadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here