Shirkad laga lee yahay dalka Israaiil oo u dhacday taleefoonnada hogaamiyaal caan ah.

0
42

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka mid noqday dhowr hoggaamiye oo caalamka ah oo la rumeysan yahay in la taleefoonadooda la bartilmaameedsaday oo la isku dayay in la jabsado iyadoo la adeegsanayo barnaamij wax lagu basaaso, sida ay ku warramayso warbaahinta.

Lambarada ku jira liiska sirta ah ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jiraan kuwa madaxweyaasha dalalka Ciraaq Baram Salih iyo madaxwaynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, iyo sidoo kale ra’iisul wasaarayaasha dalalka Pakistan, Masar, iyo Boqorka dalka Morocco.

Software-kan oo loo yaqaano Pegasus, wuxuu u dhacaa taleefannada wuxuuna fursad u siinayaa dadka adeegsanaya inay ogaadaan xogaha taleefoonkaasi ku jira.

Wararka ayaa sheegaya on ugu yaraan 50, kun oo ruux oo caana la jabsaday taleefoonnadooda kuwaasoo ku kala nool dunida dacaladeeda.

Shirkada lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si qaldan, iyadoona shirkaddan laga lee yahay dalka Israaiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here