Macallinka Kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel oo ku guuleystay abaal-marinta Tababaraha sanadka Jarmalka

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)- Thomas Tuchel ayaa ku guuleystay abaal-marinta tababaraha sanadka Jarmalka ee Germany’s Manager of the Year sida la xaqiijiyey.

Thomas Tuchel oo waqti badan aan haynin shaqada Kooxda Chelsea ayaa durba ku guuleystay abaal-marinta tababaraha sanadka ee Jarmalka ee Germany Manager of the Year award oo uu bixiyo Wargeyska Kicker.

Tuchel oo helay 129 cod, waxa uu abaal-marintan ku garaacay ku guuleystihii abaal-marintan ee sanadkii hore Macallin Hansi Flick oo helay 118 cod.

Waxaana Macallinka Chelsea ee Tuchel uu 11 cod kaga qaaday Macallinka Bayern Munich sanadkii hore ee Hansi Flick.

Tababarihii hore ee Kooxda Bayern Munich ayaa kaalinta labaad galay waxaana uu uruursaday 118 cod, halka kaalinta saddexaad uu ka soo muuqday Tababaraha Kooxda Borussia Dortmund ee Edin Terzic oo isna helay 75 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here