Mourinho oo qorsheynaya inuu dalab ka gudbiyo mid ka mid ah daafacyada ugu muhiimsan ee kooxda Barcelona

0
71

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska “Sport” ee dalka Spain, Kooxda kubadda cagta Roma ayaa dalab ka gudbisay daafaca Barcelona ee Clément Lenglet, kaddib markii uu codsigaas soo jeediyay tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho.

Clément Lenglet ayaa heysta kalsoonida tababare Ronald Koeman, isaga oo doonaya inuu ku tiirsanaado awoodiisa ciyaareed xilli ciyaareedka soo aadan, laakiin maamulka Barcelona ayaa wax dhibaato ah ku qabin fikirka ah inay iska iibiyaan daafaca reer France xagaagan, marka loo fiiriyo dhibaatada dhaqaale ee kooxda heysata.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu xoojiyo safka daafaca ee kooxda AS Roma isaga oo doonaya inuu la saxiixdo Clément Lenglet, wuxuuna ku wargaliyay maamulka inay ka gudbiyaan dalab rasmi ah si ay uga dhaadhiciyaan Barcelona inay iska fasaxaan ciyaaryahanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here