Chelsea oo dooneysa inay afduubato bar-tilmaameedka kooxda Man City… (Ma Kane mise Grealish?)

0
81

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada dalka England kooxda Chelsea ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato xiddiga naadiga Aston Villa ee Jack Grealish, kaasoo si aad ah looga doonayay Manchester City toddobaadyadii la soo dhaafay.

Jack Grealish ayaa xilli ciyaareed aan caadi aheyn la qaatay Aston Villa taasoo ka dhigtay inuu diirada u fuulo kooxo waa weyn, xilli uu tababare Pep Guardiola u arko inuu ku haboon yahay qorshahiisa dhanka weerarka.

Ilo wareedyo badan ayaa sheegay in Cityzens ay damacsan tahay inay sameyso dalab 100 million euros ah si ay uga dhaadhiciso Aston Villa inay iska fasaxdo Jack Grealish xagaagan, kaddib codsi ku aadan arrintan oo ka yimid tababare Pep Guardiola, kaasoo muujiyay sida uu ula dhacsan yahay ciyaaryahanka.

Haddaba wargeyska “Tuttomercato” oo soo xiganaya Ilo wareedyo badan ayaa sheegay in Chelsea ay diyaarineyso lama filaan heer sarre ah, oo ku aadan dalab dhan 120 million euros, kaasoo ay ku dooneyso inay kula soo saxiixato Jack Grealish, isla markaana ay kaga afduubato Manchester City.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Chelsea ay dareenkeeda u weecisay Grealish kaddib markii uu ku guuldareystay saxiixa weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland, iyo sidoo kale xiddiga Inter Milan Romelu Lukaku, iyada oo tababaraha Jarmalka ee Thomas Tuchel uu go’aansaday inuu bedelo fikradihiisa xilli ciyaareedka soo socda, wuxuuna doonayaa inuu la soo saxiixdo xiddiga naadiga Aston Villa ee Jack Grealish, kaasoo awood u leh inuu u ciyaaro sida garab weerar iyo kubad sameeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here