Kooxda PSG oo xaqiijisay muddada ay garoommada ka maqnaan doono Sergio Ramos

0
65

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa shaacisay muddada uu dhaawaca uga maqnaan doono xiddigeeda dhowaan galka ah ee Sergio Ramos.

PSG waxa ay xaqiijisay in Ramos oo dhowaan ay kala soo wareegeen Kooxda Real Madrid uu garoomada kaga maqnaan doono muddo isbuuc ah dhaawac ka soo gaaray lugta bidix.

Kooxda reer France ee PSG ayaa ku dhawaaqday in Sergio Ramos uu dhaawac ka soo gaaray kubka lugta bidix isagoo ku guda jiray tababarka, isla markaana uu dib u bilaabi doono tababarka kooxda toddobaad kaddib.

Ramos ayaan ciyaari doonin kulanka Final-ka ah ee kooxdiisa PSG ay la ciyaari doonto Naadiga Lille Axadda soo aaddan ee French Super Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here