kulan lagu gorfeynayay sida gabdhaha ku deg degay guurka dib ugu laaban karan waxbarashada oo lagu qabtay Baladweyne

0
123

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay madal lagu gorfeynayay hanaanka ugu haboon ee gabdhaha guurka ku deg degay dib ugu laaban karan waxbarashada dugsiyadda iyadoona kulankan ay ka qeyb galayan xubno u badan gabdho kuwaaasoo aragtiyo kala duwan ku soo bandhigay madasha.

Madashan ayaa socon doonta muddo laba maalmood ah, waxana si rasmi ah u daah furay guddoomiyaha waxbarashada gobolka Hiiraan Cismaan Maxamed Cilmi isagoo xubnaha ka qeyb galaya ku booriyay inay ku dadaalan sidii fikirkooda ugu dari lahayeen qorshahan, isagoo sheegay in barnaamijan ay maalgalineyso hay’adda Sowden oo ka shaqeysa horumarinta haweenka iyo Efasom.

Xubnaha ka qeyb galaya madashan waxbarashada gabdhaha ku degdegay guurka dib loogu celin karo dugsiyadda ayaa si wada jir ah u sheegay in laba arrimood inta badan gabdhaha ay ku kalifto  inay ka haran waxbarashada kuwaasoo kala ah in waalidiinta ay gabdhaha ku daran wiil iga ay u calmadeen iyo in gabdhaha lafteeda ay door bido inay guursato islamarkana ay iskaga harto waxbarashada.

Warbixintan waxaa noo haya Axmed Nuur Daahiye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here