Atooraha nus qarniga iskaabulada ahaa oo lagu tuhmayo inuu xaas qudbo siro ku qabo.

0
121

Baladweyne(Radio Beerlula)- Jilaaga weyn ee Aflaanta Bollywood Salman Khan, ayaa beeniyay wararka sheegayay in xaas iyo gabadh 17 sano jir ah ay u joogan dalka Isutagga Imaaraatka carabta.

Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in jilaaga uu qarinayo haweenay lagu magacaabo Noor iyo gabadh 17 sano jir, kuwaas oo la sheegay in ay ku nool yihiin magaalada Dubai.

“Walaal aniga xaas ah ma lihi. Waxaan ku nool Hindiya dhismaha Galaxy, tan iyo markaan sagaal sano jir ahaa.”ayuu yiri Salmaan Khan oo marti ku ahaa barnaamij ka baxa mid ka mid ah warbaahinta Hindiya.

Salman Khan oo ay da’diisu tahay 53 sano, loogana bartay aflaanta Hindiga ee jaceylka iyo dagaalka ku saleysan ayaa su’aasha ugu badan ee la weydiiyay noolashiisa waxaa la sheegay inay ahayd sababta uu u guursan waayay, waxana marar badan su’aashaas weydiiyay warbaahinta dalka Hindiya oo in muddo ah doonayay inay ogaadaan waxa jilaagan ku kalifay in uusan ku dhiiranin in uu guursado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here