Mbappé oo rajo beel ku riday kooxda Real Madrid kaddib waraysi xiiso leh uu bixiyay

0
96

Baladweyne(Radio Beerlula)-Waxay umuuqataa in weeraryahanka reer France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé uu go’aansaday inuu sii joogayo garoonka Parc des Princes, ugu yaraan xilli ciyaareedka cusub.

Kylian Mbappé oo qandaraaskiisa Paris Saint-Germain uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, ayaa waxaa si weyn lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo garoonka Santiago Bernabéu labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Si kastaba ha noqotee, wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa xaqiijiyay in Mbappé uu qirtay in riyadiisa ay tahay inuu kula guuleysto koobka Champions League kooxda Paris Saint-Germain.

Haddaba Kylian Mbappé ayaa u sheegay majaladda kooxda Paris Saint-Germain:

“Riyadeyda ugu weyn waa inaan kula guuleysto Paris Saint-Germain Champions League, waxay noqon laheyd wax weyn.”

Sidaas darteed, hadalkan ka soo yeeray Mbappé ayaa wuxuu xaqiijinayaa in Kylian uu sii joogi doono kooxda Paris Saint-Germain ugu yaraan xagaaga soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here