Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la ilaaliyo sideed masaajid oo ku yaalla Ivory Coast.

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Siddeed misaajid oo ku yaalla waqooyiga dalka Ivory Coast, ayay hay’adda Qaramada Midoobey ee tacliinta hiddaha iyo dhaqanka ee Unesco u aqoonsatay in ay yihiin misaajidu qadiimi ah oo ay tahay in si gaar ah loo dhowro. Masaajidadan ayaa loo aqoonsaday in ay ka mid yihiin goobaha dhaxal-reebka adduunka.

Misaajidadan ayaa la rumeysa yahay in la dhisay xilligii boqortooyadii Mali 7 qarni ka hor.

Dhismooyiinkan ” ayaa ah astaan muhiim ah oo muujinaysa ganacsiyadii ka socday dhulka saxaaraha, ayaa lagu yiri qoraal ay soo saaray hay’adda dhaqanka ee Unesco.

Misaajidadan ayaa ku yaalla magaalooyiinka Tengréla, Kouto, Sorobango, Samatiguila, M’Bengué, Kong iyo Kaouara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here