Kooxda Barcelona oo shaacisay muddada uu garoommada ka maqnaan doono Sergio Agüero

0
90

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa goordhow shaacisay muddada uu garoomada ka maqnaan doono Weeraryahankeeda Sergio Kun Agüero.

Aguero ayaa dhaawac kubka garoomada kaga maqnaan doona muddo 10 todobaad ah sida ay kooxdiisu xaqiijisay.

Waxaa jira dhaawac xoog leh oo ka soo gaaray Aguero lugta midig, kaasoo garoomada seejin doona 10 Isbuuc.

Tijaabooyinkii lagu sameeyay ciyaaryahanka kooxda koowaad ee Kun Agüero ayaa lagu xaqiijiyay inuu jiro dhaawac seedaha gudaha kubka lugta midig, isla markaana uu qiyaastii garoomada dib ugu soo laaban doono toban toddobaad kaddib.

Kooxda Barcelona ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay: “Tijaabooyinkii lagu sameeyay ciyaaryahanka kooxda koowaad ee Kun Agüero ayaa lagu xaqiijiyey inuu jiro dhaawac kubka midig ah, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa qiyaastii 10 todobaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here