Romelu Lukaku oo lagu Sawiray maaliyadda Chelsea, kana gudbay tijaabada caafimaad ee uu u maray Kooxda The Blues

0
81

Baladweyne (Radio Beerlula)-Romelu Lukaku ayaa ka gudbay tijaabada caafimaad ee uu u maray Kooxda Chelsea, waxaana lagu sawiray maaliyadda Blues.

Weeraryahankan ayaa ku dhow inuu ka mid noqdo Kooxda Chelsea, waxaana uu ugu biirayaa adduun dhan 98 milyan oo gini.

Xiddigan reer Belgium ayaa tijaabada caafimaad ku maray galabta oo Isniin ah xarunta caafimaad ee Milan Columbus clinic ee dalka Talyaaniga.

Waxaana markaas kaddib la sawiray Lukaku oo gacanta ku haysta maaliyadda buluugga ah ee Kooxda Chelsea, isla markaana fadhiya qeybta dambe ee Baabuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here