Jack Grealish oo shaaca ka qaaday riyadiisa ugu weyn uu doonayo inuu ku gaaro kooxda Manchester City

0
66

Ciyaaryahanka cusub kooxda Manchester City ee Jack Grealish, ayaa xaqiijiyay inuu ku riyoonayo inuu kula guuleysto Champions League naadiga Sky Blue, kaddib markii ay aad ugu dhawaadeen xilli ciyaareedkii hore.

Dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, Manchester City ayaa ku guuleysatay inay u soo baxdo finalka tartanka UEFA Champions League, kahor inta aysan guuldarro 1-0 ah kala kulmin kooxda reer London ee Chelsea, kaasoo uu dhaliyay Kai Havertz.

Haddaba Jack Grealish ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay tartanka uu doonayo inuu kula guuleysto kooxdiisa cusub ee Man City, wuxuuna yiri:

“Kooxda waxay ku dhowaatay inay ku guuleysato Champions League sanadkii hore, balse waxay uga fogaatay guuldarro 1-0 ah ee soo gaartay.”

Jack Grealish oo sii wata hadalkiisa ku saabsan riyada ku guuleysiga Champions League, ayaa wuxuu yiri:

“Tani dhab ahaan waa waxa aan u imid, tani waa waxa uu tababaraha ii sheegay markii aan wada hadalnay.”

“Waxaan fiiriyaa qolka labiska waxaanan arkaa karti badan, gabi ahaanba waxaan ku qanacsanahay inaan ku guuleysan karno sanadkan.”

“Waxaan heysanaa qaar ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa Premier League boos walba.”

“Waxaan sugeynaa inaan ku guuleysano Champions League xilli ciyaareedkan, iyo tartan kasta oo kale.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here