Neymar Jr oo fariin u diray Messi kaddib markii uu ku biiray kooxda Paris Saint-Germain

0
82

Baladweyne (Radio Beerlula)-  Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr iyo kooxda Paris Saint-Germain, ayaa soo dhoweeyay saaxiibkiis Lionel Messi, kaddib markii uu laacibka reer Argantina ku biiray PSG.

Kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday maanta oo Talaado ah inay si rasmi ah kula soo wareegtay Lionel Messi beeca xorta ah, kaddib markii uu dhammaaday qandaraaskiisa kooxda Barcelona.

Kooxda Faransiiska ka dhisan ayaa heshiis labo sano ah oo uu sanadkiiba ku qaadan doono 35 milyan oo euro siisay Kabtanka xulka qaranka Argentina, iyadoo sidoo kale qandaraaskaas lagu kordhin karo hal sano oo dheeraad ah.

Haddaba xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa wuxuu soo dhigay bogiisa baraha bulshada ee “Instagram”, sawir isaga iyo Messi, wuxuuna ku soo qoray: “Dib ayaan isugu soo laabanay.”

Neymar ayaa horey uga hadlay rabitaankiisa ah inuu markale ka garab ciyaaro xiddiga reer Argentina, kaddib markii ugu horeysay uu ka tagay xiddiga reer reer Brazil kooxda Barcelona sanadkii xagaagii 2017, isaga oo ugu biiray xilligaas PSG adduun dhan 222 million euros.

Xiddigaha Lionel Messi iyo Neymar Jr ayaa waxay 4 sano si wadajir ah ugu soo wada qaateen kooxda Barcelona, laga soo bilaabo 2013 illaa 2017, waxayna si wadajir ah ugu guuleysteen Horyaalka Spain 2 jeer, Copa del Rey 3 jeer, iyo Champions League oo 1mar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here