Tababaraha Kooxda Tottenham oo ka hadlay haddii Harry Kane uu wajihi doono Manchester City kulankooda furitaanka ee horyaalka Premier League

0
93

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Kooxda kubadda cagta Tottenham ee Nuno Espirito Santo ayaa sheegay in Harry Kane uu wajihi karo Manchester City kulankooda Axadda ee furitaanka horyaalka Premier League.

Weeraryahanka ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo xagaagan kooxda horyaalka xafidanaysa ee Man City, iyadoo xitaa ay soo bexeen in 28-sano uusan soo xaadirin tababarkii kooxda Spurs.

Kane ayaa beeniyay inuu diiday tababarka, waxaana uu soo saaray bayaan uu ku sheegayo inuu qorsheeyay inuu soo laabto Sabtida.

Hadda wuxuu ku jiraa karaantiil xarunta tababarka kooxda ah kaddib fasax uu dibadda ugu maqnaa, waxaana la filayaa in Karantiilnimadiisa ay soo dhammaato Khamiista.

Tababare Nuno oo la hadlayey Sky Sports News ayaa yiri: “Dhammaan ciyaartoyda kooxda ku jira waa diyaar, markaa annaga ayay nala tahay inaan go’aansanno, waan arki karnaa xulashooyinka ugu fiican.”

Markii la weydiiyay inuu caddeeyo haddii uu xiddigahaas ku jirto Kane, wuxuu yiri: “Dhammaan ciyaartoyda kooxda ku jira ee maalin walba shaqeeya waxay noo noqon doonaan xulashooyin.”

Kane ayaa la rumeysan yahay inuu u sheegay Spurs inuu doonayo inuu baxo, halka tababaraha Man City ee Pep Guardiola uu toddobaadkii hore qirtay in kooxda haysata horyaalka ay aad u xiiseynayso ciyaaryahanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here