Lionel Messi oo lagu sawiray lambarka uu u xiran doono kooxdiisa cusub ee PSG

0
91

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi, ayaa markii ugu horreysay lagu sawiray maaliyada kooxdiisa cusub ee Paris Saint-Germain.

Dhowr warbaahin ayaa soo bandhigay sawirrada Lionel Messi oo ku sugan gudaha garoonka Parc des Princes, isla markaana xiran lambarka 30-aad ee maaliyada kooxda Paris Saint-Germain.

Lionel Messi ayaa yimid magaalada Paris ee caasimada Faransiiska maanta oo Talaado ah, isaga oo ka gudbay baaritaanadii caafimaad uu u maray kooxda Paris Saint-Germain, waxaana loo soo bandhigi doonaa warbaahinta bari oo Arbaco ah.

Waxaa la filayaa in Messi uu saxiixi doono qandaraas socon doona labo xilli ciyaareed ilaa iyo xagaaga 2023, iyada oo ay macquul tahay in loo kordhiyo xilli ciyaareed dheeri ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here