kooxaha Xidigaha iyo Hilaal oo galabta ku balansan garoonka kubadda cagta Laqanayo ee Baladweyne

0
81

Baladweyne( Radio Beerlula)- Garoonka kubadda cagta Laqanayo ee magaalada Baladweyne ayaa galabta lagu wadaa inay fooda isku daran kooxaha Xidigaha iyo Hilaal oo ka mid ah kooxaha ka qeyb galaya tartanka heerka labaad ee Seera B-da.

Labada kooxood ayaa lagu wada inay soo bandhigan ciyaar xiiso badan.

Boqolaal shacab ah oo u badan dhalinyaro ayaa maalin kasta u daawasha taga garoonka kubadda cagta Laqanayo ee magaalada Baladweyne si ay daawadan ciyaaraha ka socda garoonka.

Tartankan ayaa kaalin ka qaadanaya is dhaxgalka bulshada magaalada Baladweyne iyadoona ay ka qeyb galayaan 32 kooxood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here