Chelsea oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska Romelu Lukaku

0
52

Baladweyne( Radio Beerlula)- Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib ula soo saxiixatay weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku, kaasoo ay kala soo saxiixatay naadiga Inter Milan.

Romelu Lukaku ayaa qalinka ugu duugay kooxda Chelsea heshiis shan sano ah oo soconaya ilaa iyo 2026, taasoo ka dhigeysa inuu yahay ciyaaryahanka ugu qaalisan ee ka taga horyaalka Talyaaniga.

Saxafiga caanka ah reer Talyaani ee Fabrizio Romano, ayaa sheegay in Lukaku uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Inter Milan adduun dhan 115 million euros, wuxuuna heli doonaa mushahar sanadle ah oo gaaraya 12 million euros.

 

Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa dib ugu soo laabtay kooxda reer London ee Chelsea 10 sano kaddib markii ugu horreysay Blues uu kaga soo biiray naadiga Anderlecht.

Si kastaba ha noqotee, Lukaku ayaa dhaliyay 47 gool 72 kulan oo uu ka ciyaaray horyaalka Talyaaniga laba xilli ciyaareed, wuxuuna sidoo kale ku dhaliyay 64 gool maaliyada Nerazzurri, kaddib 95 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here