Kooxda Liverpool oo heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixatay Virgil van Dijk

0
52

Baladweyne (Radio Beerlula)- Liverpool ayaa ku dhawaaqday maanta oo Jimco ah inay qandaraas cusub ka saxiixatay daafaca reer Holland ee Virgil van Dijk.

Reds ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay:

“Virgil van Dijk wuxuu maanta kooxda u saxiixay qandaraas cusub oo waqti dheer ah, oo soconaya ilaa iyo 2025.”

Dhankiisa, Van Dijk ayaa u sheegay website -ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool:

“Saxiixa heshiis cusub Reds waa wax la yaab leh … Waa wax ay tahay inaan ku faano, aadna waan ugu faanayaa, sidoo kale waxaa arintan ku faanaya xaaskeyga, carruurtayda iyo wakiilladaydaba.”

“Waxaan sii wadi doonaa shaqada adag, waxaana rajeynayaa waxa aan mustaqbalka la gaari doono Liverpool, aad ayaan u faraxsanahay waana ku faanayaa.”

Virgil van Dijk ayaa Liverpool kaga soo biiray Southampton bishii Janaayo 2018 wuxuuna si dhaqso ah u noqday ciyaartoy muhiim u ah kooxda Jurgen Klopp.

Daafaca reer Holland ayaa Reds u ciyaaray 130 kulan, wuxuu u dhaliyay 13 gool, wuxuuna kula guuleystay horyaalka Premier League, Champions League, UEFA Super Cup iyo Club World Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here