Brentford oo guul kaga daah furatay horyaalka Premier League

0
62

Baladweyne(Radio Beerlula)-Brentford ayaa guul kaga daah furatay horyaalka Premier League, kaddib markii ay ku garaacday kooxda Arsenal 2-0, kulankii lagu daahfurayay horyaalka Premier League kal ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Brentford.

Daqiiqadii 22-aad kooxda Brentford ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Sergi Canos, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ethan Pinnock.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

73 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Christian Noergaard ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Brentford.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Brentford, kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd garoonka Brentford Community, kulankii lagu daahfurayay horyaalka Premier League kal ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here