Horudhac: Manchester United vs Leeds United

0
884

Baladweyne(Radio Beerlula)-Naadiga Manchester United ayaa maanta ciyaareysa kulankeeda ugu horreeya ee Premier League xilli ciyaareedkiisa 2021-22 iyadoo garoonkeeda kusoo dhoweyneysa naadiga ay xifaaltamaan ee Leeds United.

Waxaa isha lagu wada hayaa saxiixa cusub ee Red Devils xagaagan kusoo biiray ee Jadon Sancho kaasoo maanta safan kara ciyaartiisii ugu horreysay ee naadigiisa cusub kaddib markii uu tababarka xiddigaha kooxda kula soo biiray Isniintii lasoo dhaafay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 02:30 Duhurnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: Paul Tierney (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here