Chelsea oo guul ay u qalantay kaga daah furatay horyaalka Premier League

0
49

Baladweyne (Radio Beerlula)- Chelsea ayaa guul ay u qalantay kaga daah furatay horyaalka Premier League, kaddib markii ay ku garaacday kooxda Crystal Palace 3-0, kulankooda ugu horreeyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 27-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaata waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Marcos Alonso kaddib markii uu dhaliyay laad oo cajiib ah.

40 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Christian Pulisic ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 58-aad Trevoh Chalobah oo caawin ka helay saaxiibkiis Mateo Kovacic ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Chelsea, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 3-0 ay kaga adkaatay Chelsea, kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, kulankii lagu daahfurayay horyaalka Premier League kal ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here