Liverpool oo guul ka soo gaatay Norwich City kulankooda furitaanka ee horyaalka Premier League

0
67

Baladweyne (Radio Beerlula)- Liverpool ayaa guul muhiim ah kaga daah furatay horyaalka Premier League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay kooxda Norwich City 0-3, kulankooda ugu horreeyay xilli ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martid aheyd ee Liverpool.

Daqiiqadii 26-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Diogo Jota, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Mohamed Salah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

65 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Roberto Firmino oo caawin ka helay saaxiibkiis Mohamed Salah ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Laacibka reer Massar ee Mohamed Salah ayaa hoggaanka ciyaarta u dheerayay kooxda Liverpool kaddib markii uu dheesha ka dhigay 0-3 ay Reds ku awood sarreysay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda Norwich City oo ay ku booqatay garoonka Carrow Road, kulankii ay kaga daah furteen horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here