Real Madrid oo guul kaga daah furatay horyaalka La Liga kaddib markii ay saddexda dhibcood ka soo heshay Deportivo Alaves

0
65

Baladweyne (Radio Beerlula)- Real Madrid ayaa guul muhiim ah kaga daah furatay horyaalka La Liga, kaddib markii ay kaga soo adkaatay kooxda Deportivo Alaves 1-4, kulankooda ugu horreeyay xilli ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Deportivo Alaves iyo Real Madrid ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Karim Benzema oo caawin ka helay saaxiibkiis Eden Hazard.

56 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad, waxaana 0-2 ka dhigay Nacho Fernandez, kaddib markii uu caawin ka helay Luka Modric.

Daqiiqadii 62-aad Karim Benzema ayaa hoggaanka ciyaarta u dheereeyay kooxda Real Madrid, wuxuuna ka dhigay 0-3.

Laakiin 65 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Deportivo Alaves ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay laacibkooda Joselu, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-3.

Daqiiiqadii 90+2 daqiiqo Vinicius Junior oo caawin ay kaga timid David Alaba ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 1-4 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 1-4 ay kaga soo adkaatay Real Madrid, kooxda Deportivo Alaves oo ay ku booqatay garoonka Estadio Mendizorroza, kulankii ay kaga daah furteen horyaalka La Liga ee dalka Spain xilli ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here