Barcelona oo saddexda dhibcood ka heshay kooxda Real Sociedad kulankooda furitaanka ee horyaalka La Liga

0
65

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa guul kaga daah furatay horyaalka La Liga ee dalka Spain, kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Real Sociedad 4-2, kulankooda ugu horreeyay xilli ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 19-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Gerard Pique, wuxuuna caawinta goolkan ka helay Memphis Depay.

45+2 Martin Braithwaite oo caawin ka helay saaxiibkiis Frenkie de Jong ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 59-aad Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Martin Braithwaite.

82 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Sociedad ayaa dhalisay gool, waxaana ciyaarta 3-1 ka dhigay Julen Lobete, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Ander Barrenetxea.

Laakiin markale daqiiqadii 85-aad Real Sociedad ayaa dhalisay gool labaad, kaddib markii uu laad xor aad u qurux badan uu dhaliyay Mikel Oyarzabal, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 3-2.

90+1 Sergi Roberto oo caawin ka helay saaxiibkiis Martin Braithwaite ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 4-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 4-2 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Real Sociedad oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kulankii ay kaga daah furteen horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here