Chelsea oo baacsaneysa xiddig dahabi ah oo u ciyaara Borussia Dortmund

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Chelsea oo xagaagan safkeeda dib u habeyn badan ku sameyneysa ayaa dooneysa inay kooxdeeda kusoo biiriso xiddigo cusub halka ay albaabka ka dagayaan Tammy Abraham oo ku biiraya AS Roma iyo Tiemoue Bakayoko oo isna albaabka loo tilmaamay.

Blues ayaa rajow wacan ka leh inay lasoo saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara naadiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham kaasoo bandhig heer sare ah sameyay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Bundesliga.

Sida Eurosport laga soo xigtay, mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovic ayaa dareen gaar ah siinaya 18-sano jirka Ingiriiska ah kaasoo ay kooxda London ka dhisan u aragto inay ka door bidi karto xiddiga West Ham United ee Declan Rice kaasoo sanado dhowr ah looga gacan haatinayay Stamford Bridge.

Jude Bellingham is on Chelsea's radar after an impressive season in Germany

Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayuu Bellingham ku muteystay inuu ka mid noqdo xiddigaha uu macallinka xulka England ee Gareth Southgate usoo xushay tartankii qarammada Yurub ee Euro 2020 oo xulka saddexda Libaax fiinaalka rigooreyaal looga qaaday markii ay ka hor tageen dhiggooda Italy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here