Taariikhda uu Lionel Messi kulankiisii ugu horreeyey u safanayo Kooxdiisa cusub ee Paris Saint-Germain oo la sii ogaaday

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)-Lionel Messi ayaa qarka u saaran inuu kulankiisii ugu horreeyey u safto Kooxdiisa cusub ee Paris Saint-Germain ciyaarta horyaalka Ligue 1 oo ay booqanayaan Reims.

Sida wararku ay sheegayaan Lionel Messi ayaa kulankiisii ugu horreeyey ee Kooxda PSG waxa uu safan doonaa ciyaarta horyaalka Ligue 1 ee ay u safrayaan Naadiga Reims 29-ka bishan Agoosto.

Xiddiga Lixda goor ku guuleysatay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa heshiis labo sanadood ah u saxiixay Kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska, tan iyo markaasna waxa uu saaxiibaddiisa ay isku kooxda yihiin la qaatay saddex tababar.

Messi ma uusan helin isku diyaarinta xilli ciyaareedka oo dhan, Tababaraha kooxda ee Mauricio Pochettino ayaanan doonayn inuu ku degdego 34-sano jirkaan oo si dhaqsi ah garoonka ku keeno, laakiin sida laga soo xigtay Sky Sports News, Weeraryahanka ayaa u tartami doona inuu ka soo muuqdo kulankiisii ugu horreeyey ee PSG dhammaadka bishaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee tartan rasmi ah ee Messi waxa uu ahaa kulankii xulkiisa Argentina ee Final-kii Copa America, markaasoo ay bishii July 1-0 kaga badiyeen dhiggooda Brazil oo ay ku xifaaltamaan Koonfurta Ameerika.

Laacibkii hore ee Kooxda Barcelona oo la siiyay waqti uu ku saldhigto Caasimadda Faransiiska ayaa tarabuunka soo fariistay kulankii dhowaa oo ay PSG 4-2 kaga badisay Kooxda Strasbourg.

Messi ayaa 778 kulan u saftay kooxda reer Catalan muddo 21 sano ah oo uu ku sugnaa, isagoo dhaliyay 672 gool, isla markaana caawiyay 305 gool oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here