Ururka ay ku mideysan yihiin kooxaha Yurub oo dib usoo dhoweeyay qaar ka mid ah kooxihii ku biiray Super League

0
73

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ururka ay ku mideysan yihiin kooxaha ka dhisan qaaradda Yurub ee European Club Association ayaa aqbalay inay dib ugu soo dhoweeyaan xubinnimada ururkan kooxihii kaga tagay si ay ugu biiraan mashruucii cuuryaamay ee European Super League marka laga reebo kooxaha Barcelona, Juventus iyo Real Madrid.

Warqad codsi ah oo loo gudbiyay maamulka ururka ECA ayaa waxay sheegeen inay aqbaleen sidaas darteedna xubinnimada ururkan loo soo celiyo kooxihii isaga baxay Super League.

Kooxaha sagaalka ah ee dib loo soo dhoweeyay ayaa kala ah AC Milan, Arsenal FC, Chelsea FC, Club Atlético de Madrid, FC Internazionale Milano, Liverpool FC, Manchester City FC, Manchester United FC iyo Tottenham Hotspur FC kuwaasoo sii heysan doona xubinnimada ururka illaa 2023.

Sagaalkan naadi ayaa qayb weyn ka ahaa kooxihii saxiixay heshiiska lagu aas-aasay mashruuc Super League inkastoo ay isaga baxeen markii dambe, balse waxaa weli mashruuca ku adkeysanaya Barca, Juve iyo Madrid kuwaasoo aanan haatan qayb ka ahayn kooxaha ku mideysan ururka ECA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here