Guddoomiyaha Tottenham oo iska diiday inuu la hadlo Man City xilli uu miiska u saaran yahay dalab qaali ah oo ku aaddan Harry Kane

0
59

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha kooxda Tottenham Hotspur ee Daniel Levy ayaa iska diiday inuu ka jawaabo wicitaannada kaga imaanaya naadiga Manchester City taasoo miiska u saartay dalab ku kacaya 125 milyan oo gini oo ay ku dooneyso saxiixa Harry kane.

Kooxda horyaalka Premier League difaacaneysa ayaa horraan dalab 100 milyan oo gini ah ka gudbisay Kane, hase ahaatee, waxaa dalabkaas soo diiday Spurs, sidaas darteed, Citizens ayaa dalab kale u gudbisay dhiggeeda.

Wargeyska The Telegraph ayaa sheegay in guddoomiya Tottenham ee Levy uu iska diiday dalabkan labaad iyo inuu la hadlo Man City si looga wada xaajoodo iibka Kane maadaama uusan dooneyn inuu iibiyo Kabtanka xulka qaranka England xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa intaas ku daraya in guddoomiyaha Spurs uu doonayo keliya dalab gaaraya 150 milyan oo gini si uu iibiyo Kane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here