: Kooxda Juventus oo soo bandhigtay maaliyadda saddexaad ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub ee 2021/2022.

0
80

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa shaaca ka qaadday maaliyaddeeda cusub ee saddexaad taasoo ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Maaliyaddan oo midadbkeedu yahay saddex midab oo la isku daray oo kala ah Jaalle, caddaan iyo Buluug ayay ku dheeli doontaa Juventus fasal ciyaareedka 2021/2022, isla markaana waxaa farsameysay Shirkadda Adidas.

Cristiano Ronaldo, Weston McKennie, Arthur Melo iyo Paulo Dybala oo dhammaantood ka mid ah kooxda koowaad ayaa ka qeyb-qaatay soo bandhigista maaliyaddaan saddexaad ee cusub.

Kooxda reer Talyaani ee Juve ayaana boggeeda rasmiga ah ku shaacisay qiimaha ay iibinayso labiskaan cusub.

Juventus ayaa funaanaddaan cusub ee saddexaad oo ay ku dheeli doonto fasal ciyaareedkan, waxa ay soo bandhigi doontaa kulanka Saaxiibtinnimo oo ay maanta la ciyaari doonaan 23-sano jirradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here