UEFA oo ku dhawaaqay Saddexda xiddig ee u sharaxan abaal-marinta Xiddiga Sannadka Ee Yurub

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)-  Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay liiska musharraxiinta kama dambeysta ah ee ku tartami doona abaal-marinta xiddiga sannadka ee Yurub, sanadka 2021 -ka.

Liiskan kama dambaysta ah waxaa hoggaaminaya saddex murashax, oo kala ah N’Golo Kante iyo Jorginho oo kooxda Chelsea ah, iyo laacibka khadka dhexe naadiga Manchester City ee Kevin De Bruyne.

Laacibkii hore ee Barcelona haatana ah laacibka kooxda Paris Saint -Germain ee Lionel Messi ayaa liiskan kaa soo galay kaalinta afaraad, halka weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo shanaad xirtay.

Kaalinta lixaad ee liiskan waxaa ku jira goolhaayihii hore kooxda AC Milan haatana ah xiddig kooxda Paris Saint -Germain ee Gianluigi Donnarumma, toddobaad waxaa ku jira Kylian Mbappé, Raheem Sterling oo Man City ah ayaa siddeed ka soo galay, si la mid ah Cristiano Ronaldo, iyo Erling Haaland sida ay ku horreeyaan ay ugu kala jiraan sagaalaad iyo tobonaad.

Ku guuleystaha abaal-marinta ayaa lagu dhawaaqi doonaa inta lagu guda jiro isku aadka wareega group-yada xilli ciyaareedka cusub ee Champions League, oo lagu qaban doono 26 bishan August magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Marka laga hadlayo liiska musharaxiinta abaal-marinta tababaraha ugu fiican Yurub, waxa ay kala yihiin Pep Guardiola, Thomas Tuchel iyo Roberto Mancini, Pep ayaa ku soo guuleystay horyaalka Premier League, sidoo kale Tuchel ayaa Chelsea ku hoggaamiyay Champions League, halka Mancini uu ku guuleystay koobkii Euro 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here