Manchester United oo mid ka mid ah xiddigaheeda amaah ku siisay Koox ka dheesha horyaalka Premier League

0
59

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa amaah ku bixisay mid ka mid ah daafacyadeeda, waxaana ay siisay naadi ka dheela horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa kooxda Norwich City amaah ku siisay daafaceeda Brandon Williams, kaasoo booska joogtada ah ka waayey garoonka Old Trafford.

Norwich City oo haatan ah kooxda ugu hooseysa horyaalka Premier League ayaa xaqiijisay inay Kooxda Manchester United kala soo wareegtay Brandon Williams.

Kooxda Norwich ayaa soo dhigtay barteeda Twitter-ka Sawirka Williams oo xiran Maaliyaddooda, waxaana ay ku soo qoreen qoraal u dhigan: “Norwich City waxa ay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso inay hal xilli ciyaareed oo amaah ah ku qaadatay daafaca Manchester United ee Brandon Williams.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here