Real Madrid oo bartilmaameedsanaysa xiddig ka tirsan Kooxda Manchester City

0
51

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay bartilmaameed ka dhiganayso mid ka mid ah xiddigaha Manchester City.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Real Madrid ay xiiseynayso saxiixa daafaca Manchester City ee Aymeric Laporte.

Daafaca Kooxda Manchester City ee Aymeric Laporte ayaa ah ciyaaryahan ay diiwaanka ku darsatay Real Madrid oo diiradda u saaran haatan sida laga qoray Jariiradda Mundo Deportivo.

Xiddiga xulka qaranka Spain ayaa dooqa koowaad aan u ahayn Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League, waxaana laga yaabaa inuu go’aansado inuu u dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabeu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here