Chelsea vs Aston Villa, Man United vs West Ham – Isku aadka wareegga saddexaad ee Carabao Cup oo la sameeyey.

0
62

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa la sameeyey isku aadka wareegga saddexaad ee tartanka  Carabao Cup, waxaana ka soo baxay kulammo adag, inkastoo kooxda koobkan difaacanaysa ay heshay koox yar waxaana ay ku aadday oo ay la ciyaari doontaa Wycombe Wanderers.

Kooxda Manchester United ayaa imtixaan adag mari doonto, waxaana madaxa loo geliyey oo ay ka hortagi doonaan Naadiga uu wato macallinkoodii hore ee West Ham United.

Waxaa sanadkan 2022 oo lagu xusayo sanad-guuradii 62-aad eek a soo wareegtay markii tartankan la bilaabay ayaa waxaa kala badbaaday kooxihii waa weynaa ee tartankan loo saadaalinayey inay koobka qaadi doonaan, iyagoo ku aaday kooxo ay ka sarreeyaan tayo ayaan iyo tamar ahaanba.

Kooxda Liverpool ayaa waxa ay dhankeeda imtixaan ku mari doontaa garoonka Carrow Road, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonto Norwich City oo ay horyaalka xilli ciyaareedkan kulankii koowaad ku soo karbaashtay.

Arsenal oo xalay xasuuqday nus-darsan goolal ahna ku xaaqday West Bromwich Albion ayaa nasiib u heshay in lagu beego Kooxda yar ee AFC Wimbledon.

Naadiga Chelsea ayaa kulan kale oo adag uu sugayaa waxaana ay isku aadeen Kooxda Aston Villa oo ku soo booqan doonta garoonka Stamford Bridge, halka Kooxda xilli ciyaareedkii hore Final-ka laga qaaday ee Tottenham ay iyana wajahayso Wolves, taasoo la micno ah in Tababare Nuno Espirito Santo uu ka hortagi doonto Kooxdiisii hore.

Isku aadka wareegga xiga ee afaraad ayaa la samayn doonaa sida qorshuhu yahay bisha September marka ay soo dhamaadaan kulamadaan isku aadkooda hadda la sameeyey.

Final-ka Carabao Cup ee sanadkan ayaa la ciyaari doonaa 27-ka bisha Febraayo ee sanadka 2022-ka.

 

Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka wareegga saddexaad ee Carabao Cup oo dhammaystiran:-

QPR vs Everton

Preston North End vs Cheltenham Town

Manchester United vs West Ham

Fulham vs Leeds United

Brentford vs Oldham Athletic

Watford vs Stoke City

Chelsea vs Aston Villa

Wigan Athletic vs Sunderland

Norwich City vs Liverpool

Burnley vs Rochdale

Arsenal vs AFC Wimbledon

Sheffield United vs Southampton

Manchester City vs Wycombe Wanderers

Millwall vs Leicester City

Wolves vs Tottenham Hotspur

Brighton and Hove Albion vs Swansea City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here