Horudhac: Wolverhampton Wanderers vs Manchester United

0
670

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa caawa booqan doonta garoonka Molineux, iyadoo doonaysa inay sii wadato guuldarro la’aanteeda xiriirka ah horyaalka Premier League kulammada bannaanka.

Man Utd ayaa booqanaysa caawa Wolverhampton Wanderers kulankeeda saddexaad ee horyaalka Premier League fasal ciyaareedkan, iyadoo hal kulan barbaro soo gashay kulanka kalena soo adkaatay, halka Wolves labadii kulan oo ay dheeshay horyaalka labadaba la soo garaacay.

Kani waxa uu noqon doonaa kulankii 100-aad ee Macallin Ole Gunnar Solskjaer uu horyaalka Premier League hoggaamiyo Naadiga Red Devils Taariikhda, maalmo uun kaddib markii kooxda haysata 20-ka jeer horyaal Ingiriiska ay Cristiano Ronaldo dib u soo ceshatay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:30 Maqribnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Molineux Stadium

Garsooraha: Mike Dean (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here