Real Madrid oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Real Betis oo ay ku booqatay Estadio Benito Villamarin

0
81

Baladweyne (Radio Beerlula)-Real Madrid ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Real Betis oo ay ku booqatay Estadio Benito Villamarin, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Real Betis iyo Real Madrid ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 61-aad kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Daniel Carvajal, kaddib markii uu caawin uu ka helay saaxiibkiis Karim Benzema.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Real Betis oo ay ku booqatay Estadio Benito Villamarin, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here