Kooxda Man United oo guul ka soo gaartay Wolves oo ay booqatay, xilli Greenwood oo goor dambe shabaqa gaaray

0
66

Baladweyne (Radio Beerlula)-SKooxda Manchester United ayaa gool ay u dagaalantay ka soo qaadatay Wolves oo ay booqatay kulan qeyb ka ah todobaadka saddexaad ee Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood Wolverhampton iyo Manchester United ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Yeelkeede, Man United ayaa gool soo daahay ka heshay Weeraryahankeeda da’da yar ee Mason Greenwood 81’daqiiqo, kaddib caawin uu ka helay saxiixa cusub ee Kooxda Raphael Varane.

Greenwood ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku billowday xilli ciyaareedka, waxaana uu gool dhalinayaa saddexda kulan ee furitaanka horyaalka Premie League fasal ciyaareedkan.

Man United ayaa guushaas ay gaartay waxa ay ka dhigan tahay inay min 7 dhibcood la wadaagto Kooxaha West Ham United, Chelsea, Liverpool iyo Everton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here