Rooney oo u digay tababare Solskjær kaddib markii uu Ronaldo ku soo laabtay Manchester United

0
29
Mandatory Credit: Photo by ALI HAIDER/EPA-EFE/Shutterstock (10513873k) Portuguese international Cristiano Ronaldo of Juventus Turin attends during the 14th edition of Dubai International Sports Conference in Dubai, United Arab Emirates, 28 December 2019. The conference was launched in 2006 to bring football stakeholders together. 14th edition of Dubai International Sports Conference in Dubai, United Arab Emirates - 28 Dec 2019

Baladweyne (Radio Beerlula)-Halyeeyga Manchester United Wayne Rooney ayaa digniin adag u diray saaxiibkiisii ​​hore Ole Gunnar Solskjær, kaddib markii uu kooxda ku soo laabtay Cristiano Ronaldo.

Wayne Rooney ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay inuu tababare Ole Gunnar Solskjær ku guuleysto koobab xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay maamulka ku guuleeysteen inay u xoojiyaan safka kooxda, gaar ahaan heshiiska Cristiano loogu soo celiyay garoonka Old Trafford.

Sida uu qoray wargeyska “Daily Mail” ee dalka England, Wayne Rooney ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Don weli waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka,”

“Waa weeraryahan, sagaalka ciyaaryahan kale isaga ayeey ka dambeyn doonaan, waxay u baahan yihiin inay wax badan qabtaan, sababtoo ah marka aad haysato ciyaaryahan sida Cristiano ah, waxaad doonaysaa inuu bahan ku noqdo xerada ganaaxa.”

“Solskjaer ayaa hubaal ah inuu ogaan doono inuu haatan ku sugan yahay xaallad uu u baahan yahay inuu ku bilaabo ku guuleysiga koobabkan waaweyn.”

Intaas kaddib Rooney ayaa tilmaamay in dib u soo laabashada Cristiano ay kooxda u keeni doonto “maskax guuleed”, wuxuuna yiri:

“Weli wuxuu doonayaa inuu noqdo kan ugu fiican, waan hubaa inuu saameyn weyn ku yeelan doono xilli ciyaareedkan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here