Cristiano Ronaldo oo dhaafay Ali Daei kaddib guushii uu xalay ku hoggaamiyey xulkiisa Portugal, rikoor cusubna u dhigay Adduunka

0
74

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kabtanka xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa rikoor cusub oo dhinaca gooldhalinta ah u dhigay Adduunka, kaddib markii uu dhaafay halyeyga reer Iran ee Ali Daei oo waqti dheer soo ahaa xiddiga ugu goolasha badan ciyaaraha caalamiga  ah.

Waxa uu dhaliyey Ronaldo labadii gool ee xalay xulka qaranka Portugal uu guusha kaga qaatay daqiiqadihii ugu dambeeyey dhigggooda Republic of Ireland oo ay uga adkaadeen 2-1, kulankaasoo qeyb ka ahaa isreeb-reebka Koobka Adduunka.

CR7 ayaana sidaas ku dhaliyey 111 gool, isagoo dhaafay xiddigii ugu guulasha badnaa dhinaca ciyaaraha caalamiga ah ee Ali Daei ee sannadaha badan soo lahaa 109 gool.

Bishii July ayuu Ronaldo barbareeyey rikoorka goolasha Ali Daei oo 109 gool dhaliyey, waxaana kaddib markii uu xalay labo gool oo kale ku darsaday goolashiisa uu ka dhigay inuu qarankiisa u dhaliyey 111 gool 180 kulan oo uu u saftay.

Inkastoo weli uu rikoorkiisa goolasha ceerka caalami uu Ronaldo kuwo kale ku sii dari karo, haddana waxa uu qoray taariikh cusub oo ay adkaan doonto in mustaqbalka dhow uu ciyaaryah gaaro, waxaana uu Ronaldo xalay lumiyey fursad kale oo goolashiisa ku soo kordhisan karay, kaddib markii uu khasaariyey gool ku laad lagu abaal-mariyey.

Hadda Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahanka ugu goolasha badan ciyaaraha caalamiga ah, waxaana xusid mudan in goolkiisii ugu horreeyey eek a dhaliyey xulka qaranka Hollanmd intii lagu guda jiray ciyaarihii Euro 2004 oo ahaa tartankii ugu horreeyey ee uu u safto xulkiisa qaranka Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here