Kooxda Barcelona oo ku dhawaaqday bixitaanka Miralem Pjanic

0
53

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda reer Turkey ee Besiktas ayaa ku dhawaaqday inay Barcelona kala soo wareegtay ciyaaryahanka reer Bosnia ee Miralem Pjanic, taasoo ka dhigeysa inuu ka mid yahay heshiisyadii ugu yaabka badnaa ee dhacay xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku xaqiijinayso in 31 jirka reer Bosnia ee Miralem Pjanic ay heshiis amaah ah ku siisay naadiga Besiktas ilaa 30-ka June 2022.

Dhankeeda Kooxda reer Turkey ee Besiktas ayaa bayaan kale ku xaqiijisay inay heshiiskan amaahda ah ee ciyaaryahanka ay ku bixin doonto qiimo dhan 2.75 million euros.

Safaxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday in lacagta ay Besiktas ku tilmaamtay bayaankeeda ay tahay kaliya mushaharka Miralem Pjanic ee illaa dhammaadka xilli ciyaareedka, halka Barca ay bixin doonto qaddarka soo haray.

U dhaqaaqista Pjanic ee Besiktas ayaa lama filaan ku noqotay qof walba, ka dib markii lala xiriiriyay inuu ku laabanayo kooxdiisii hore ee Juventus.

Pjanic ayaa awoodi waayay inuu isku muujiyo garoonka Camp Nou, taasoo ugu dambeyntii ku qasabtay inuu ka tago kaddib markii uu ka qeyb galay 30 kulan muddo ka badan hal sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here