MI: Mario Mandžukić oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta

0
59

Baladweyne (Radio Beerlula)-Weeraryahanka reer Croatia ee Mario Mandžukić ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta, kaddib muddo 17 uu garoomada ku soo dhex jiray.

Mid ka mid ah weeraryahannada waaweyn ee reer Croatia, Mario Mandzukic ayaa maanta oo Jimco ah ku dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta.

Mario Mandžukić ayaa ku shaaciyay inuu ka fariistay ciyaarista kubadda cagta boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka, kaddib markii uu u soo ciyaaray kooxaha, Dinamo Zagreb, Wolfsburg, Bayern Munich, Atletico Madrid, Juventus, Al Duhail iyo ugu dambeyn, AC Milan.

Mandžukić ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Instagram-ka wuxuu kaga hadlay naftiisa markii uu yaraa, wuxuuna yiri:

“Gacaliyahe yariisoow Mario, markii aad xirato kabahaan markii ugu horreysay, ma malayn doontid waxaad ku dhex mari doonto kubadda cagta.”

“Waxaad dhalin doontaa goolal marxaladaha ugu muhiimsan, waxaad kula guuleysan doontaa tartamada ugu muhiimsan kooxaha ugu waaweyn, waxaad ku matali doontaa dalkaaga si kibir ah, waxaadna gacan ka geysan doontaa qorista taariikhda isboortiga Croatia.”

“Waad guulaysan doontaa sababtoo ah waxaad hareerahaaga ka heli doontaa dad wanaagsan, saaxiibbadaada, macallimiinta, taageerayaasha, qoyska, wakiillada iyo saaxiibbada, kuwaas oo dhammaantood u joogi doona adiga dartaa, adiguna weligaa waad u mahadcelin doontaa iyaga.”

“Waxaas oo dhan, waad ku guuleysan doontaa, sababtoo ah waxaad had iyo jeer soo bandhigi doontaa wax walba oo aad awoodo, ugu dambeyna waad ku faani doontaa taas.”

Waxaa xusid mudan in Mandzukic oo 35 sano ah, uu Bayern Munich la qaaday dhammaan koobabkii suurtogalka ahaa, gaar ahaan Champions League, German League iyo Club World Cup, wuxuu sidoo kale kula guuleystay Juventus Horyaalka Talyaaniga, iyadoo xulkiisa Croatia uu la gaaray finalka Koobka Adduunka 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here